Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Warar Keydmedia Online
Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee London

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Mxamed Xuseen Rooble, ayaa u socdaalay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo looga hadlayo waxbarashada Caruurta.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska , halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Rooble.

Sidoo kale, xaafiiska Rooble, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, Madax iyo Mas’uuliyiin kale.

Safarka RW Rooble, ayaa ku soo aadaya, xilli ay dib u dhacday doorashadii Aqalka Sare oo shalay qorshuhu ahaa in ay billaabato, taas oo si guud u gogol xaareysa in ay dib u dhacaan dhamaan doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.