UN-ka oo war kasoo saarey weerarkii Elite hotel

Weerarka oo qarax iyo mid toos ah isagu jiray ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho oo gaaraya 16 qof, oo 5 dabley ah kamid yihiin.

Warar Keydmedia Online
UN-ka oo war kasoo saarey weerarkii Elite hotel

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska QM ee Soomaaliya [UNSOM], ayaa si kukul u cambaareeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey Hotel Elite ee shalay gelinkii dambe billowday, lana soo afjaray xalay 10:00pm.

"Weerarkan bahal-nimada ee lala bartilmaameedaday dadka shacaka iyo shaqaalaha dowladda ee sida nabada ah waqti ugu qaadanayay hotel-ka, wuxuu na tusayaa sida Al-Shabaab ay khatar ugu tahay amniga iyo xasiloonida dalka," ayaa lagu yiri qoraal uu soo saarey wakiilka QM James Swan Maanta.

Swan ayaa xusay in weerarada noocan ah aysan niyad-jebinaynin shacabka Soomaaliyeed ee kasoo kabanaya colaadaha 30ka sano, islamarkaana hadda u jeestay dib u dhiska dalka iyo dowladnimada.

Wuxuu sheegay inay QM garab taagan tahay marwalba Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay warwalba inay kala shaqeyso soo celinta nabada iyo ciribtirka Al-Shabaab, oo khatar ku ah amniga dalka iyo gobolka Geeska Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.