UNSOM oo wadahadallada u socda ku boorisay madaxda Soomaaliya

War ka soo baxay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hoggaamiyaasha Soomaalida, kulamada ay wadaan ee looga arrinsanayo doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
UNSOM oo wadahadallada u socda ku boorisay madaxda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Qoraal ka soo baxay UNSOM, ayaa Madaxda Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada lagu booriyay sii wadidda kulamada isku soo dhawaashaha lagu abuurayo, ee ay qaban qaabiyeen Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil.”  Ayaa lagu yiri, warka ka soo baxay UNSOM.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in wadahadallada hordhaca ah lagu gaaro is fahan, si looga gudbo caqabadaha jira, dalkuna u aado doorasho la isla oggolyahay oo ka qabsoonta dalka.

“Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xaafiika Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay hormuud u yihiin, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka, ayaa cadaadis xooggan ku saaraya Madaxda Soomaaliya in ay isku tanaasulaan dalkana doorasho u jaheeyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 2 August 2021 18:19

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku gacan seyray dalab uu shalay u gudbiyay RW Rooble, wuxuuna soo bandhigay taalooyin xal looga gaari karo muran hareeyay kuraasta Soomaaliland.