Villa Somalia oo la soo baxday hab-dhaqankii maafiyada

Heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ay isku dhaafsanayaan mid ka mid ah kheyraadka ugu fiican ee Soomaaliya leedahay (Kalluunka) iyo Sunta Itoobiya (Qaadka), ayaa lagu tilmaamay mid qar iska tuurnimo ah, oo aan laga fakarin.

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo la soo baxday hab-dhaqankii maafiyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Faysal Rooble oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyasadda iyo dhaqaalaha, ayaa Madaxda Dowladda Fadaraalka ku eedeeyasay in ay la soo baxeen hab-dhaqanka kooxaha ka gancsada daroogada loo yaqaan 'Cocaine' ee maafiyada ah, kadib markii ay saxiiyeen in Kalluunka dabiicga ah uu dalku ku badesho, maandooriyaha Qaadka.

“Waxay u dhoofinayaan cuntada ugu nafaqada badan (Kalluunka dabiiciga ah) waxaana loogu badalayaa daroogo! ka fikir haddii Mareykanku dhoofiyo sarreenka loona soo raro daroogada loo yaqaan 'Cocaine'. Kaliya maafiyada ayaa sidaas samayn lahayd!, hayeeshee Villa Somalia ayaa sameysay”.

Dhawaan ayay ahayd markii daaha laga qaaday, in Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis labada dal ku kala badalanayaan Qaadka iyo Kalluunka, kaas oo dhaliyay hadal heyn badan.

Qaadka ayaa loo tixgaliyaa mid ka mid ah Saddexda arrin ee dalku ka dagi la’yahy, hayeeshee Maamulka Farmaajo ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay taariikhda ee Sun ku badasha Sixin.

Madaxda Dowladda Fadaraalka, waxa ay is ka indha tireen wax-yeellada taban ee Qaadku ku leeyahay deganaanshaha dalka, degaanka, caafimaadka dadka iyo inuu guud ahaan yahay shay xaaraan ah diin ahaan, maadaama uu ka mid ah walxaha maanka dooriya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.