Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
War qoraala oo kasoo baxay xafiiska Villa Somalia ayaa baaq loo diray labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbalnd, waxaana mar kale loogu baaqay inay kasoo qeyb galaan shirka ka socda Villa Somalia
MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin lagu daabacay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa loogu baaqay labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland in ay kusoo biiraan shirka ka socda Villa Somalia oo ay isugu yimaadeen madaxda dowlad goboleedyada gacan saarka la leh Villa Somalia iyo madaxeynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.
Qoraalka ayaa lagu yiri "Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud"
Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu yiri "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas"
Heshiiskii 17 -ka Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho ayuu madaxweyne Farmaajo kal hore ku eedeeyay inuu ahaa qoraal uu soo xar-xarriiqday madaxweyne Deni, islamarkaana uu ogolaaday, inkastoo hadalkaasi Saciid Deni, madaxweynaha Puntland uu ku tilmaamay nasiib darro in heshiiskaasi uu madaxweynaha ugu yeeray qoraal uu Deni iska soo xarriiqday!
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments