Villa Soomaaliya oo Shir ku casuuntay Madaxda DG

Madaxda saxiixday heshiiskii Dhuusamareeb oo kala ah Waare, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ayaa kulan gaar ah ku leh magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
Villa Soomaaliya oo Shir ku casuuntay Madaxda DG

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10ka Sep. shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka [DF], Dowlad Goboleedyada [DG] iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan qabanaya kadib markii uu canaan iyo cadaadis kala kulmay Safaaradda Mareykanka, qoraallo cabsi gelin ah soo saartey dhawaan, taasoo keentay in Muqdisho la isagu yimaado dhamaan dhinacyada DF iyo Maamullada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.