Waa cusub oo u baryay xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan

Maalmo kahor ayay ahayd markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga loo diray dalkan, oo ka noqday safiir aan fadhin caasimadiisa.

Warar Keydmedia Online
Waa cusub oo u baryay xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan

ANTALYA, Turkey - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa shalay kula kulmay magaalo ku taalla dalka Turkiga dhigiisa Azerbaijani counterpart, Jeyhun Bayramov.

Waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga arrimo dhowr ah oo danaha labada dhinac taabanaya, waxaana Wasiiradda soo dhaweeyeen kaalinta Turkiga inay Soomaaliya iyo Azerbaijani cilaaqaad cusub yeeshaan.

Waxay ku kulmeen Madasha Diblomaasiyadda Antalya oo shalay ka furmay magaaladda xeebta ku taalla, waxaana ka qeybgalaya madax badan, oo qaarkooda Afrika ka tagay, iyadoo Farmaajo ka baaqday markii uu ku fashilmay dalabkiisa inuu Erdogan la kulmo.

Waa cusub ayaa u baryay xiriirka labadan dal taageeradda wayn ka hela Turkiga, iyadoo 12-kii bishan uu Safiirka Soomaaliya ee Ankara warqadaha aqoonsiga safiirnimo gudoonsiiyay Madaxweynaha Azerbaijani Ilham Aliyev.

Wuxuu noqonayaa Jaamac C/llaahi Safiir aan deganayn Caasimadda Azerbaijan [a non-resident ambassador], oo ka shaqeynaya magaaladda Ankara, waxayna dowladda Erdogan ka shaqeynaysaa inay xulufo u raadiso dalkan dagaalka kula jira Armenia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.