Keydmedia oo ogaatay lacagtii la siiyay Xildhibaanada riday Kheyre

Mooshinkii lagu riday xukuumaddii Kheyre ayaa la sheegayaa in ay daba riixeysay Villa Soomaaliya, iyadoo dhaqaalo badan lagu bixiyay shirqoolka siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
Keydmedia oo ogaatay lacagtii la siiyay Xildhibaanada riday Kheyre

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay dhaqaalo badan ku bixisay Mooshinkii lama filaanka ahaa ee sabtidii la soo dhaafay lagu riday xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Mooshinka oo abaabulkiisu ahaa mid deg deg ah ayaa la diyaariyay Jimcihii, gaar ahaan habeenkii Sabtida soo galeysay, iyadoo laga saxiixay 170 Xildhibaan, oo katirsan Gollaha Shacabka, kuwaasoo qaarkood aad ugu dhow Farmaajo.

Xildhibaanada ku kacay qimaanada qaran, ayaa qaarkood loo balan qaaday in ay kasoo muuqan doonaan wasiirada Xukuumadda lasoo dhisi doono, halka kuwa kale lacago kumanaan dollar ay qaateen, sida ay Keydmedia Online ogaatay.

Lacagta la siiyay Xildhibaan kasto ayaa la sheegey in ay u dhaxeysay 10-kun iyo 20-kun oo doolar, iyadoo isla habeenkii Sabtida laga saxiixay Mooshinkii lagu riday xukuumadddii Kheyre, oo mudo ku dhaw afar sano soo shaqeynaysay.

Kulankii sabtiada ee Gollaha Shacabka ayaa ajendihiisuu ahaa ka doodista qodobada dhameystirka doorashada, hase yeeshee mar qura la bedelay, iyadoo miiska lasoo saaray mooshinkii lagu ceyriyay Xasan Cali Kheyre, isagoo ku maqan Dhuusamareeb.

Fowdo iyo buuq ka dhashay kulanka kadib ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddii la riday, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay amniga iyo inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo uu islamarkiiba aqbalay go'aanka Gollaha Shacabka ee xilka looga qaaday Kheyre, isagoo si deg deg ah kusime ugu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], oo horey u ahaa ku xigeenka Ra'iisul Wasaaraha.

Khudbadii uu ka jeediyay xeritaanka Kulankii Dhuusamareeb ayaa laga dareemayay Farmaajo inuu damacsan yahay ridista Kheyre, isagoo ka diiday madaxda Maamullada inuu qaato go'aan la xiriira doorashadda 2020-21, waxuuna ka sheegay madasha inuu ku laabanayo Muqdisho, oo la tashiyo la sameynayo Baarlamaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.