Waa kuma gudoomiyaha cusub ee guddiga hirgalinta doorashada?

Doorasho tartankeedu adag yahay oo maanta Muqdisho ka dhacday, ayuu ku soo baxay Muuse Geelle Yuusuf, kaas oo noqday gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer fedraal ee FEIT.
 

News Keydmedia Online
Waa kuma gudoomiyaha cusub ee guddiga hirgalinta doorashada?

MUQDISHO, Soomaaliya- Gudoomiyaha maanta la doortay ayaa baddelaya Maxamed Xasan Cirro, oo bishii hore laga xayuubiyey xilkaas, kadib markii lagu eeddeeyey inuu doorashada u boobay Farmaajo.

Haddaba maxaa laga yaqaanaa gudoomiyaha cusub ee uu yeeshay guddiga hirgalinta doorashooyinka heer fedraal?

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa saaxada siyaasadda ku jiray 20-kii sano ee ugu danbeysay, waxaana badi waqtigiisa uu ka shaqeynayey Maamulka Puntland, oo uu deggaan ahaan ka soo jeedo. 

Waxa uu sanado badan hayey xilka gudoomiyaha Gobolka Bari, kaas oo loo dhiibay sanadkii 2006-dii, isagoo sidoo kalana hore usoo noqday duqa magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka heer fedraal, ayaa ka soo mid noqday gollaha wasiiradda Maamulka Puntland, isagoo sanadkii 2013-kii ku magacawnaa, wasiir ku xigeenka kaluumeysiga maamulkaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekadaha Puntland ayuu soo noqday, waxaana 2-dii bishii July ee sanadkii aynu ka soo gudbnay loo doortay gudoomiyaha KMG ee guddiga hirgalinta doorashooyinka heer fedraal, ka hor inta aanu 4-tii July, cirro noqon gudoomiyihii rasmiga ahaa.

Si kastaba, Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer fedraal, ayey hortaalaa howl culeyskeeda leh, waana kuwa hoggaamin doona doorashada dadban ee uu dalku u dhaqaaqay, wallow ay jiraan caqabado badan oo ku gadaaman, haddana lama saadaalin karo heerka caddaaladeed ee laga fili karo gudoonkan cusub.

KEYDMEDIA ONLINE `    

Commenting is not available in this channel entry.
News 19 May 2022 9:23

US officials have suggested that the final decision on whether to send troops to Somalia “had taken time because of Biden’s caution over sending US troops into a conflict zone”, The Guardian reported.