Yaa caqabad ku ah sixida habraaca doorashadda?

Gudiga wuxuu ka koobnaa lix xubin, oo kala ah Sheekh Shariif, CC Warsame iyo Daahir Geelle oo dhanka Musharixiinta ka socda iyo Lafta-Gareen, Qoor-Qoor iyo Deni.

Warar Keydmedia Online
Yaa caqabad ku ah sixida habraaca doorashadda?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo ifbaxay caqabad cusub oo soo foodsaartay Gudigii loo xilsaaray xalinta khilaafka ka taagan habraaca cusub ee doorashadda Aqalka Hoose.

Cabaqada waxay ka timid Madaxweyniyeyaasha Galmudug Qoor-Qoor iyo Koonfur Galbeed Lafta-Gareen, oo kamid ah xubnaha Gudiga oo isagu jira Musharixiinta iyo Maamullada.

Xog hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaysa in Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor ay caqabad ku noqdeen dedaalladii socday ee lagu saxayay khilaafka habraaca cusub.

Waxay labadan hogaamiye oo aad ugu dhaw Farmaajo la sheegay inay ka baaqsadeen kulan la filayay inay xubnaha gudiga ku yeeshaan Muqdisho Jimcihii lasoo dhaafay.

Labada hogaamiye waxay ka biyo diidan yihiin dib u eegis lagu sameeyo habraaca oo qodobo kamid ah khilaaf dhaliyay, iyadoo Musharixiinta Mucaaradka ay dalbadeen in lagu laabto.

Khilaafka ugu weyn wuxuu ka yimid kala-dirista Odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah iyo in Madaxda Maamullada ay kaalin ama door ku yeeshaan doorashadda Aqalka Hoose.

Waxay ku dhawdahay in lagu kala dareero wadahadaladii socday, iyadoo madaxda ay isku diyaarinayaan safarka Sacuudiga oo casuumaad ay ka heleen boqortooyadda dalkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.