Waa kuma Maxbuuskii ka baxsaday Xabsiga Dhexe?

Sanadkii 2014 ayay Maxkamadda Militeriga ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, kadib markii lagu helay dembiyo argagaxiso.

Warar Keydmedia Online
Waa kuma Maxbuuskii ka baxsaday Xabsiga Dhexe?

MUQDISHO, Soomaaliya -  Saraakiisha Xabsiga Dhexe ayaa shaaciyay magaca Maxbuuskii AlShabaab ee shalay baxsaday intii uu dagaalka socday.

Waxaa lagu magacaabaa Mubaarak Ibraahim Iidle, wuxuuna ku xukunnaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah, oo lagu riday 2014.

Shalay ayuu baxsaday kadib markii uu dilay waardiyihii Xabsiga, isagoo banaankana ku dilay wade Mooto Bajaaj.

Bajaajta uu qofka shacabka ka dishay ayuu ku baxsaday, waxaana laga raadinayaa hadda Muqdisho.

Bastoolad ayuu ku hubeysan yahay, waana khatar laga baqayo inuu dilal kale geysto, sida Booliska ka digeen.

Inta la ogyahay 19 qof, oo 15 maxaabiis ahaayeen ayaa lagu dilay gudaha Xabsiga, waxaana kamid ah dhimashadda 4 Askari.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.