Waalidiin bannaanbax ka dhigay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo waxaa isugu soo baxay waalidiin ka cabaneysa caruurtoodii loo qaaday dalka Eratariya kuwaasoo aan war iyo wacaal loo heyn.

Warar Keydmedia Online
Waalidiin bannaanbax ka dhigay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Waalidiin ka careysan caruur ay dhaleen oo tababar ciidan loogu qaaday dalka Eratariya ayaa isugu soo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasoo waalidiinta ay kusoo bandhigeen dareenkooda ku aaddan walwalka ay ka qabaan caruurtooda.

Isku soobaxa lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo ayaa noqonaya kii labaad ee ay waalidiintu isugu soo baxaan, waxaana uu yimid kaddib markii hay'adda Qaramada Midoobay xafiiskeeda arrimaha bani-aadannimada uu soo saaray warbuxin dheer oo ku saabsan dagaalladii ka dhacay dalka Itoobiya.

Waalidiinta ayaa ka dalbanaya dowladda Soomaaliya in caruurtooda ay lasoo hadashiiyaan, oo nolol iyo geeri midda ay ku sugan yihiin laga qanciyo. Isku soo baxa waalidiintan ayaa kusoo beegmaya maalin kaddib markii bannaanbax sidaan oo kale ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay arrintan, iyadoo beenisay in ay jiraan ciidan Soomaaliyeed oo loo qaaday dalka Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalkii gobolka Tigreega. Inkastoo hadalkaasi aysan ku qancin waalidiinta ubadkoodu ka maqan yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.