Waanwaan ka socota Muqdisho iyo Beesha Caalamka oo ku biirtay

Xaaladda Muqdisho ayaa sii adkaanaysa waxaana wadooyinka qaar maanta ahaayeen kuwa maran oo aan ka jirin mashquul badan.

Warar Keydmedia Online
Waanwaan ka socota Muqdisho iyo Beesha Caalamka oo ku biirtay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya, ayaa ku biiray waan-waan ka socota Muqdisho oo lagu soo afjarayo Xiisadda magaaladda ka taagan tan iyo xalay.

Odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir, Siyaasiyiin iyo Beesha Caalamka ayaa ka shaqeynaya sidii lagu kala qaadi lahaa Ciidanka isku horfadhiya nawaaxiga Madaxtooyadda oo xalay dagaallo ay ka dhaceen.

Waxaa isasoo taraya baaqyada loo jeedinayo dhinacayada dagaalka u dhaxeeya, dowladda iyo Mucaaradka oo laga dalbaday inay wadahadal ku bedelaan gacan ka hadalka si looga badbaado Soomaaliya inay dagaal sokeeye ku laabato.

Midowga Yurub ayaa sheegay in aan la aqbali karin dagaalka, iyadoo ay ku goodiyeen in lala xisaabtami doono kuwa hurinaya colaadda, sidoo kalena xaaladda khatar ah ka abuuraya dalka.

Ciidamada taabacsan Musharixiinta mucaaradka ayaa qabsaday Xaafadaha ku teendsan jidka Makka Al-Mukarama dhanka degmada Hodon, Howlwadaag iyo Isgoysyo kala oo Sanca iyo Marinaayo kamid yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.