Wabiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

Degaanno hoos taga degmada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd ka dhacay fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle.

Warar Keydmedia Online
Wabiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

JOWHAR, Soomaaliya - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado ka sameeyay degaano ay kamid yihiin Moyko iyo Baareey oo caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar ka kala xiga dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari halkaas oo degan yihiin qoysas badan.

Webiga Shabeelle ayaa sidoo kale sameeyay fatahaado hor leh, degaanka Baarey oo isna ay ku noolaayeen qoysas badan ayey ka barakaceen qoysas badan oo deganaa, kadib markii guryihii ay deganaayeen biyo galeen.

Fatahaadda Webiga Shabeelle uu ka sameeyay Moyko ayaa waxay sababeen in ay xiranto waddadii isku xiri jirtay Magaalada Jowhar iyo magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu saameeyay guryo iyo goobo Ganacs oo ku yaalla halkaas.

Inta badan wabiyada labada ah ee Soomaaliya  mara ayaa sameeyay sanad kasta fahaado hor leh xilli roobaadka, mana jiro ilaa iyo hadda qorshe cad oo u muuqda mid wax looga qabanayo fatahaadaha wabiyada oo sanad kasta baabi'iya dalag iyo guryo sidoo kalena mararka qaar ay dad ku dhintaan fatahaadaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].