Wabiga Shabeelle oo fatahaado hor leh sameeyay

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaado hor leh ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Warar Keydmedia Online
Wabiga Shabeelle oo fatahaado hor leh sameeyay

JOWHAR, Soomaaliya - Wabiga Shabeelle ayaa sameeyay Fatahaad iyadoo maanta waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ay jareen fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameeyay deegaanka Baarey oo illaa 8 km ka xiga dhinaca Waqooyi Bari magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Dhawaan ayey ahayd markii wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay degaanno hoos taga magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi kuwaasoo geystay khasaara kala duwan.

Guddi loo xilsaaray fatahaadaha wabiga Shabeelle ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay xayiraad saareen dhaqaalo loogu talagalay mashruuc looga hortagayay Fatahaadaha, inkastoo Dowladda Federaalka ay iska fogeysay eedeyntaasi.

Marka la gaaro labada xilli roobaad ee Guga iyo Deyrta waxaa ka dhaca gobollada ay maraan wabiyada Shabeelle iyo Jubba Fatahaado geysta khasaare isugu jira dhimasho, barakac iyo bur-bur hantiyadeed, mana muuqato cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka ka dhasha Fatahaadaha oo sanad kasta mar ama laba jeer ka dhaca qaar kamida gobollada Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.