Wadada Isgoyska Banaadir iyo W. Arrimaha Dibadda oo Ciidamo Xirteen

Moqdisho (KON) – Ciidamo Militeriga Soomaaliya ayaa waxaa rasaas ku Furay Ciidamada Boliska, waxaana halkaas ku Geriyoday Hal Askari Sadexna wey ku dhaawacantay.Waxayna Arintaas sababtay in ay Xirtaan inta u dhaxaysa W.Arrimaha Dibaha iyo Isgoyska Isbitaal Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Wadada Isgoyska Banaadir iyo W. Arrimaha Dibadda oo Ciidamo Xirteen

Ciidamadaan oo ka tirsanaa kuwa Milatariga Dowladda Soomaaliyana kuna sugnaa Xarunta Villa Beydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa loo bedelay Ciidamo Buliis ah iyagoo fariisin ka dhigtay Nawaaxiga Wakaaladii Biyaha ee Isgoyska Banaadir.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in Saaka Mushaaraadkooda ay ka doonteen Villa Beydhabo loona diiday islamarkaana lagu war geliyay in ay u doontaan Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Amniga taas oo keentay in Ciidamadu Godoomiyaan isku socodka Wadadaas Halbowlayaasha Wadooyinka Muqdisho ka mid ah.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho