Daawo: Dib u dayactirka Waddooyinka

Muqdisho (KON) - Qaar ka mid ah Wadooyinka Laamigaa ee ku yaala Magaalada Muqdisho kuna burburay Dagaaladii Dalka ayaa lagu sameeyey Dib u dayactir xoogan.
Warar Keydmedia Online
Daawo: Dib u dayactirka Waddooyinka

Mashruucaan oo Muddo socday ayaa hore waxaa looga bilaabay Wadada isku xirta KM4 iyo Garoonka Diyaradaha Muqdisho, ayadoona Wajigii Labaad laga bilaabay qeybo hor leh oo Muhiim u ah Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Daljirka Daahsoon ilaa Irida Xaruunta Madaxtooyada, Laamiga mara ayaa asagana lagu sameyey dib u dayactir.

Mashruucaan baaxada weyn ayaa waxaa Maalgaliyay Dowladda Turkiga, waxeyna Mas'uuliyinta Maamulka Gobolka Banaadir sheegeen in lasii wadi dooni Mashruucaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Dayactir iyo Dhismooyin Cusub oo ay sameenayaan Shacabka, taasi oo muujinaysa in ay dib u soo la baneyso Bilicdii Muqdisho oo ay horay u laheed.

Halkaan ka Daawo Sawirradda:

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho