Wadooyinka Muqdisho oo markale la xiray

Jidadka xiran waxaa kamid ah Makka Al-Mukarama oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo Isgoyska Jubba.

Warar Keydmedia Online
Wadooyinka Muqdisho oo markale la xiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka DF ayaa saakay xiray wadooyin dhowr ah oo ku yaala magaaladda Muqdisho xili uu jiro abaabulka banaanbax kale oo looga soo horjeedo Farmaajo.

Dadka Caasimadda ku nool ayaa kusoo toosay iyadoo wadooyinka xiran yihiin, islamarkaana ay fadhiyaan Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ee Turkiga uu tababarey kuwaasoo celinya gaadiidka dadweynaha.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah Maka-Almukarama, jidadka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, oo saakay aan jirin gaadiidka ku shaqeynaya.

Waxay shacabka sheegeen in Farmaajo ku hayo caburin iyo cunaqabateyn isagoo u diiday dadka inay shaqeystaan, maadaama ganacsi badan ku xirmo xirnaashaha wadooyinka, iyadoo horey dhibaato loogu qabay dhagxaanta ku go'an jidad badan.

Dhowr qof oo shacab ah aya Ciidanka Farmaajo soo adeegsaday ku dileen, kuna dhaawacmeen wadooyinka iyagoo ku banaanbaxaya, waxaana madaxda ku sugan Villa Somalia lagu eedeeyay inay falkinayaan dagaal sokeeye.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.