NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Wafdi ka socda hay’adda UNOCHA ee katirsan Qaramada Midoobe, oo ay hogaamineyso ku xigeen madaxa xafiiska Soomaaliya ayaa gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo.
DOOLOW, Soomaaliya - Wafdi ballaan oo ka socda hay’adda UNOCHA ee Qaramada Midoobe oo ay hogaamineyso ku xigeen madaxa xafiiska Soomaaliya Cindy Isaac ayaa gaaray degmada Doolow ee gobalka Gedo.
Wafdiga ayaa la kulmay kooxaha samafalka, maamulka degmada iyo dadka degaanka oo ey ka wareysteen adeegyada gargaarka iyo caqabadaha taagan. waxayna booqdeen xarumo dhowra kuwaasoo ay kamid yihiin kuwo ay hirgaliyeen hay'adaha QM. Gobolka gedo waxaa ka dhacay kal hore dagaallo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland kuwaasoo sababay barakac aad u baahsan.
Magaalada Doolow waxay kamid tahay goobaha ugu badan ee ay dadku ku barakaceen, hay'adda UNOCHA ayaa wadda qiimeyn ku aaddan xajmiga barakacayaasha inta uu la egyahay iyo sidii ay uga faa'iideysteen mashaariicdii hore ee loo keenay, iyo weliba sida ay usoo gaartay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments