Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Xubnaha Wasiirka Gaadhaandhiga wafdigiisa waxaa ku waheliyay xubno ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyada iyo Lacagta, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Meleteriga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo xubno kale oo katirsan Dawladda KMG ah.
Wafdigaan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey, ayadoona soo dhaqeyntooda ay qeyb weyn ay ka qaateen Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya.
Wafdiga inta ay joogaan Garbaharey ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo ay la qaataan masuulyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya, ayadoona ay arrintani ay qeyb ka tahay kormeer uu wasiirka Gaashaandhiga ahna Rasysal wasaare ku xigeen uu ku tagayay magaalooyinka laga qabsadaykooxda Shabaabka.
Amaanka magaalada Garabaahey ayaa si weyn loo adkeeyay ayadoona laga cabsi qabo inay ku soo dhex dhuuntaan Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.
Kani waa wafdigii ugu horeeyay ee Xukuumada Dr Gaas ka socda ee gaara magaalada Garbahaarey ee xaruinta gobbolka Gedo
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments