Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Wafdigani ayaa waxay ka yimaadeen magaalada Doolow ee gobolka Gedo halkasi oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ku sugnaayeen sida uu sheegay Sheekh Maxamed Daa’uud Codwayne oo ka tirsan gudiga Farsamada Shirka maamul u samaynta Jubbooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahaan ay magaalada Kismaayo u yimaadeen in ay la kulmaan maamulka Axmed Madoobe isla markaana ay isla arkaan wixii ay go’aan ku soo gaareen mudadii ay joogeen Doolow, maadama ay yihiin dadka Malaya gobalka Gedo.
Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa horay kaga soo horjeestay shirka magaalada Kismaayo, waxayna ku sheegeen in shirkaan uu yahay mid aanan loo dhamayn.
Waxaa xiligaan lasugayaa hadii ay jiraan wax iska badalay masuuliyiinta gobalka Gedo Mowqifkoodii hore, xili maalmihii la soo dhaafay ay lahaayeen shirar gooni gooni ah.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments