Wafti ka socda Galmudug oo gaaray Dowlad Degaanka

Wafti uu hoggaaminayao Wasirka aminiga Galmudud Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta gaaray caasimadda gobolka Doolo ee Wardheer, Dawlad Degaanka Soomaalida.

Warar Keydmedia Online
Wafti ka socda Galmudug oo gaaray Dowlad Degaanka

WARDHEER – Waftiga Galmudug ee uu hoggaaminayo Wasirka aminiga Ahmed Moallim Fiqi, ee Wardheer gaaray ayaa sadafrkoodu la xariiray iskaashi la xariira dhanka aminiga, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale Wardheer waxaa isna manta yimid oo waftiga Galmudug ku qaabilay, wafti uu hogaaminayo hogaanka nabadgalyada Dowlad degaanka Soomaalida, Xuseen Qaasim.

“Waxaan si nabad ah ku soo gaarnay annagoo wafdi Dawladda Galmudug ka socda ah caasimadda gobolka Doolo ee Wardheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida.” ayuu yiri Wasirka aminiga Galmudud.

“Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah in aan kulamo la qaadanno Hogaanka Nabadgalyada iyo wasiiro ka tirsan DDS si loo xoojiyo nabadgalyada labada maamul, iskaashiga Ganacsiga iyo dhaqaalalaha iyo horumarinta Arrimaha bulshada.”  ayuu hadalkiisa sii raacsiiyay, Fiqi.

Ciidamada Mileteritiga maamulka DDS, ayaa dhibaaato joogto ah ku haya dadka xoola dhaqatada ah ee ka soo hayaamay degaannada Galmudug, wada hadallo hore oo lala yeeshay ayaana waxba ka soo bixin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.