Wakiillo ka socda beesha Caalamka oo gaaray Kismaayo

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaarey caasimada KMG Jubaland ee Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Wakiillo ka socda beesha Caalamka oo gaaray Kismaayo

KISMAAYO, Soonaaliya - James Swan waxaa wehliyey safiiro ay kamid yihiin; wkiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Sairka Talyaaniga.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyo waftiga gaaray Kismaayo ayaa kulan albaabadu u xirin yihiin ku qaaatay Xarunta Madaxtooyada.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda Jubaland, fadhigaan gaarka ah waxaa diiradda lagu saarey xaaladda uu haatan waddanka wajahayo iyo khilaafka doorashooyinka.

"Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira". ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jubbaland.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.