Walaac laga muujiyay sida DF u maamulayso doorashooyinka

Xisbiga Wadajir ayaa sheegey inuu si cad uga soo horjeedo in Dowladda Soomaaliya isku koobto Magacaabida Guddiga Maamulaya doorashadda Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Warar Keydmedia Online
Walaac laga muujiyay sida DF u maamulayso doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Wadajir ayaa soo saarey qoraal uu ku cambaareynayo qaabka maamulka Farmaajo u maareynayo arrimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana uga caga-jiidayo fulinta qodobada heshiiskii September.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu xad-gudub iyo faquuq ku hayo saamileyda siyaasadeed ee kasoo jeeda Somaliland, islamarkaana uu kahor istaagey inay soo doortaan xubnaha gudiga doorashadda Xildhibaanada ugu matelaya Baarlamaanka.

“Xisbiga Wadajir wuxuu walaac ka muujinayaa dib u dhaca jadwalka doorashada. Wuxuu ayidaa mowqifka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku aadan xulista xubnaha labada aqal ee Somaliland ka soo jeeda," ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga.

Heshiiskii 17-kii September ay maamullada iyo DF ku gaareen Muqdisho ayaa u ogolaanaya Villa Somalia inay soo magacawdo gudiga doorashadda Xildhibaanadda gobollada Waqooyi, taasoo Cabdi Xaashi kasoo horjeestay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAFAADEEDKA:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.