Walaayo “Ciidan danbe Dibada laguma soo tababarayo”

Afhayeenka Xukuumada KMG ah Soomaaliya C/qaadir Max'ud Walaayo ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada KMG ah Soomaaliya aan mar danbe ciidamo loogu soo tababari doonin Dalka dibadiisa.
Warar Keydmedia Online
Walaayo “Ciidan danbe Dibada laguma soo tababarayo”

"Waxaa leysku afgartay in Qm xafiisyo ay ka sameysato Soomaaliya, isla markaana tasiilaadka Dowlada loogu tala galay si toos ah gacanta Dowlada ay u soo galaan iyadoo aanu jiriin cid u dhaxeyneysa dhinacyada" sidaa waxaa yiri Mr walaayo.

Hadalka afhayeenka ayaa ka danbeeyay kadib markii uu maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay R.wasaaraha Xukuumada KMG ah Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo dhawaanahan kula lahaa Magaalada Nairobi hey'adaha Qaramada Midoobay.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay afhayeenka in gudaha Dalka laga dhisi doono xeryo lagy tababaro Ciidamada Dowlada si looga maarmo Tababarada banaanka loogu dirayo ciidamada Dowlada.

Inkastoo xili walba la sheego in la tababarayo Ciidamo Dowlada ay leedahay ayaa hadana waxaa xusid mudan in aanu jirin horumar haba yaraatee oo ay ciidamada ka gaaraan Dagaalada Dowlada kale dhaxeeya dhinacyada ka soo horjeeda.

www.keydmedia.net