Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
War Saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa looga hadlay arrimaha la xariira hirgalinta doorashooyinka dalka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waraaq si wadajir uga soo baxday Maamullada Puntland iyo jubbaland ayaa lagu muujiyay walaac ay maamulladu ka qabaan, xagal daacinta ay wadaan Madaxda Dowladda Fadaraalka ah ee xillogoodii dhamaaday, taas oo sababi karta in lagu kala tago Muqdisho.
Waraaqda waxaa lagu sheegay in Madaxda Jubbaland iyo Puntland, ay Saddex todobaad caasimadda u jeegaan ka qeyb galka shir madaxeedka ay qaban qaabiyeen Wakiillda Beesha Caalamka ee Soomaliya si looga wada xaajoodo, xal u helidda khilaafaadka ku hor gudban dooraashooyinka dalka.
War Saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay waajib tahay saddex arrimood oo mihiim ah in la isla meel dhigo, si waddanku ugu dareero doorasho, kuwaas oo kala ah
Sidoo kale waraaqda waxaa lagu caddeeyay inuu fashil ku soo dhamaaday shir muddo saddex maalin ah shanta maamul goboleed kaga socday Xalane, kaas oo looga arrinsanayay ajandaha shirka.
Jubbaland iyo Puntland waxa ay ka digeen in waqtigu sii dheeraado, taas oo keeni karta mustaqbal madow, halka ay xaqiijiyeen, in uusan suura galin kulan la qorsheeyay inuu dhex maro maamullada iyo Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Ugu danbeyn waxa ay labada Maamul caddeeyeeen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka shir looga arrinsanaayo xaaladaha doorashooyinka dalka, iyadoo qabsoomidda shirka loo marayo tub la isla ogool yahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments