Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegayaa in aysan wax khasaaro ah ka dhalan.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgosyada Sanca iyo Fagax.

Qaraxaan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Godka Siisii, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada.

Goobjooge ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaariga Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Muuse Geesey Jimcaale oo goobta marayay, waxaana lagu soo waramayaa in guddoomiyaha iyo ilaaladiisaba ay ka bad baadeen qaraxa.

Booliska Degmada Yaaqshiid ayaa qaraxa kadib goobta gaaray, iyagoo halkaas ka sameeyay baaritaan ay ku baadi goobayaan cida ay uga shakisanyihiin qaraxaan, waxaana lagu soo waramayaa in ay daqiiqado kooban wadada xireen.

Magaalada Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay nabdooneed ayaa haatan waxaa ku soo badanaya qaraxyada dhulka lagu aaso ee meelaha fog-fog laga hago, waxaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ay wataan masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaliya.

Al-shaabaab oo in ka badan 10 sano la dagaalameyso dowladda Soomaaliya ayaa inta badan qaraxyada noocaan ah dusha u ridato.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 20 September 2020 14:00

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalo kasta oo kamid ah Galmudug loo sameyn doono Golle degaanka, si shacabka ay usoo doortaan hogaamiyaasha ay doonayaan, oo aan dusha looga keenin.