Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Baydhabo

Khasaraaha dhimashada ayaa sii kordhaya, waxaana Isbitaallada la geeyay dhaawacyo badan, sida Saraakiisha amniga ay sheegeen.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya - Afar qof oo shacab iyo askar isagu jirta ayaa ku geeriyootey qarax Ismiidaamin ahaa oo saakay ka dhacay magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Qof isku soo xiray walxo qarxa ayaa beegsaday Gudoomiyaha gobolka Cali Wardheere Dhaayow oo ku sugnaa sida la sheegay goobta shaah laga cabo ee Suweys oo ku dhaw huteelka Baydhabo.

Gudoomiyaha ayaa ka badbaadey isku dayga dil, balse qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhimatay, kuna dhaawacmay, sida KON ay wararka ku helayso.

Burbur xoog leh ayaa soo gaarey goobta gaacsi oo xiliga weerarka ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab iyo mas'uuliyiin isagu jira, iyadoo dhimashada illaa hada la xaqiijiyay at afar gaareyso, lagana cabsi qabo inay intaas ka badato.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, laakiin waxaa falalka noocan ah dalka ka fulisa Al-Shabaab, oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.