Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Guriceel

Ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan kuwa xooga dalka, ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu soo dhawaaday magaalada taas oo sababtay qax iyo barakac ba’an, oo si taban u saameeyay danyartii ku dhaqneyd degmada.

Warar Keydmedia Online
Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya – Wararka caawa laga helayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in xaaladdu ay cirka isku sharaartay, kadib markii qeybo ka mid ah xaafadaha degmada ay fiidkii caawa soo gaareen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo is-garabsanaya.

Ciidamada taabacsan koox diimeedka Ahlu-sunna, ee magaalada la wareegay 1 October 2021, ayaa abbaare 10-kii fiidnimo ee caawa, xilliga Soomaaliya, isaga baxay, Saldhiga Booliiska Guriceel, kaas oo ay dhallinyaro fara-ku-tiris ah oo magaalada ku sugan ay muuqaallo ka soo duubeen isaga oo haawanaya, in kastoo, wararka qaar sheegayaan in ciidanka ASWJ, dib ugu laabteen saldhigga.

Sida ay baahisay Warbaahinta Qarnka, Guddoomiyaha degmada Guriceel, Anas Cabdi Macalin, ayaa Radio Muqdisho, u sheegay in Ciidanka oo ay la socdaan Maamulkii magaalada, ay dagaal la’aan ku qabadeen qeybo ka mid ah xaafadaha degmada.

Ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan kuwa xooga dalka, ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn ugu soo dhawaaday magaalada taas oo sababtay qax iyo barakac ba’an, oo si taban u saameeyay danyartii ku dhaqneyd degmada.

Dhallinyaro magaalada ku sugan oo u badan wariyeyaasha ka howl-gala gobolka, ayaa Keydmedia Online, u xaqiijiyay in Ciidamada XDS iyo kuwa Galmudug, lagu arkay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Har-qaboobe iyo koontaroolka bari ee magaalada.

Jahooyinka Koofur, Waqooyi iyo Bari, ayay ciidamada Dowladda kaga sugan yihiin Guriceel, halka kuwa ASWJ, ay dhufeysyo xooggan ka sameysteen gudaha degmada, waxaana laga cabsi qabaa xabad xilli kasta ka dhex billaabata labada dhinac.

Odayasha dhaqanka ee beesha Ceyr, ee deggan Guriceel, oo maalm ka hor warbahinta la hadlay, (Halkaan ka aqri) waxa ay sheegeen, in hoggaamiyaha Kooxda ASWJ, Sheekh Shaakir, uu ka diiday inuu ka baxo degaanka, si maagalada looga bad-baadiyo dagaal burburiya, siina kordhiya dhibaatada hadda dhacday.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu eedeeyay inuu soo xiray albaabadii wadahadalka, isagoo ka doortay nabadda inuu qoriga caaraddiisa kusoo celiyo Guriceel, Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaana shaqada ka tagay 7 October 2021, isagoo Qoorqoor, ku eedeeyay inuu doortay jidka dagaalka, isla-markaana uu Dhuusamareeb, ku daad-gureeyay ciidamo uu ka keenay Caasimadda

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada UN OCHA, ayaa dhawaan sheegay (Halkaan ka Aqri) in xasaradaha ka aloosan Guriceel barakiciyeen, in ka badan 100,440 qof oo danyar u badan.

Soo rogaal celinta Ahlu Sunna iyo xiisada kala dhexeysa Galmudug ayaa noqoneysa bilawga maalmo adag oo ay wajahayaan guud ahaan dadka ku dhaqan deegaannada Galmudug, waxana labada dhinac ay u muuqdaan kuwa aanan wax masuuliyad ah iska saareynin dhibaatada culus ee ay dad rayidka ahi la kulmayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.