Warbixintii Q.M. maxay daaha ka rogtay?

Xafiiska arrimaha bani-aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray warbixin si aada loogu dheg-taagayay!

Warar Keydmedia Online
Warbixintii Q.M. maxay daaha ka rogtay?

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida lagu daabacay warbixinta dhawaan kasoo baxday xafiiska arrimaha bani-aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay, ciidamo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ayaa si af-duub ah loogu qaaday gobolka Tigreega halkaas oo ay kula dagallameen maamulkii dowlad degaanka Tigreega ee diiday muddo kororsiga Abiy, kuna dhawaaqay in ay gooni u go'een.

Su'aasha la isweydiinayo waxay tahay, Warbixinta Q.M. maxay daaha ka rogtay, ooo markii hore qarsoonaa?

Warbixintu waxay muujineysaa inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo saddex geesood ah kaasoo u dhaxeeya hoggaamiyayaasha saddexda dal: Itoobiya, Eratariya iyo Soomaaliya.

Horay ayaa loo tilmaamay inuu jiro heshiis qarsoodi ah, inkastoo dowladdu ay ku doodday in uusan jirin heshiis qarsoodi ah haddana waxaa inta badan maaweelinayay bulshada Soomaaliyeed shakhsiyaad aan lagu qanci karin hadalladooda, xilal sarena aan ka heyn, sababtoo ah Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha xilligan, Ra'iisul Wasaarihii ka horreeyay iyo Agaasimaha iyo taliyayaasha Ciidamada qalabka sida midkoodna kama hadlin.

Sababta ugu weyn ee ay u diideen faafinta arrintan ayaa shaki galisay markii hore dadka Soomaaliyeed, haddase waxaaba soo baxday warbixin dheer oo ay Qaramada Midoobay ka qortay dhacdadaasi iyo doorka ay ku leeyihiin ciidamadii Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eratariya.

Dhowr jeer ayey waalidiin farabadan isugu soo baxeen magaalooyin dhowra, sidoo kale warbaahinta ayaa wareysatay waalidiin Soomaaliyeed oo qaarkood loo sheegay in ay geeriyoodeen caruurtoodii waxbarashada loo qaaday markii hore balse la ciidameeyay, balse dowladda ayaa dhagaha ka fureysatay in ay ka jawaabto arrintaasi, taasina waxay ku abuurtay wal-wal farabadan waalidiin rajeynayay in ay helaan caruurtooda mar kale.

Warbixinta Q.M. laguma xusin haddii ay jiraan dhimasho iyo dhaawac midna, kaliya waxaa la xaqiijiyay in dowladdu qaadday tallaabo sharciga baal-marsan, oo ay qeyb uga noqotay tacaddiyo loo geystay dad shacab ah oo lagu xasuuqay gobolka Tigreega. Madaxda mucaaradka dowladda ayaa ka hadlay, waxayna sheegeen dhammaantood sida ay uga xun yihiin tallaabada ay qaadday dowladdu.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa warar been abuu ah ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomalaiya ay ka dagaalameen gobolka Tigre, islamarkana la doonayo in lagu wiiqo awoodda ciidamada Soomaaliya. "Waa warar borobagaando ah oo markii la arkay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dhismayaan oo xoogeysnayaan oo ay isu taagayaan inay ka adkaadaan amniga ayaa la doonayaa in lagu qalqal galiyo hooyooyiinka iyo maatida" ayuu yiri Dubbe.

Madaxweyne Farmaajo maalina kama uusan hadlin jiritaanka sheekada ku saabsan in ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ay ka bar-bar dagaallameen ciidamadii isku dhafka ahaa ee labada waddan ka socday kuwaasoo la dagallamay dowlad degaanka Tigreega.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.