Wariye Nuxurkey oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (KON) Allaha unaxariistee wariye Maxamed Cali Nuxurkeey ayaa maanta waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho kadib markii qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho dhaawac kasoo gaaray oo uu ugeeriyooday.
Warar Keydmedia Online
Wariye Nuxurkey oo Muqdisho lagu aasay

 


Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qeybgalay dad ubadan warbaahinta iyo sidoo kale ehelada marxuumka geeriyooday iyadoo dhamaan halkaasi lagu muujiyay dareen murugo leh.

Aaska marxuumka ayaa wuxuu ka dhacay qabuuro ku yaalo dhabarka dambe ee isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyadoo dhamaan wariyeyaashii aaska ka qeybgalay ay tacsi udireen dhamaan ehelada Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey.

Wariyaha ayaa ifka wuxuu kaga tagay hal xaas iyo cunug yar oo dhawaan udhashay waxaana da’diisa lagu sheegay 28-jir muddo fog saxaafada ku jiray.

Allaha unaxariisto Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey ayaa wuxuu kamid ahaa shacab badan oo waxyeelo kasoo gaartay qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Muqdisho.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho