Wariyeyaal Dhuusamareeb ku xirnaa oo la sii daayay

Waxaa caawa dib xoriyaddooda u helay Labo Wariye oo dhawaan uu maamulka Galmudug ku xiray Xabsiga magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Warar Keydmedia Online
Wariyeyaal Dhuusamareeb ku xirnaa oo la sii daayay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - C/llaahi Warsame Rooble iyo C/wali Maxamed Tooxow oo dhawaan lagu xiray amar kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug Qoor qoor ayaa caawa xabsiga laga sii dayay.

Qoraal uu soo dhigay ciwaaan-kiisa facebook, wariye C/wali Maxamed Tooxow, ayuu ku xaqiijiyay in xarigii laga sii daayay oo ay caawa dib xoriyaddoda u heleen.

“Waa Alle mahadiis in 24-saac kadib aan dib u helnay Xuriyadeena aniga iyo saaxiibkey Abdulahi Warsame Roble  oo aan uga mahad celineyno asxaabtii, Qaraabadii iyo Masuuliyiinta ka qayb qaadatey in ay nagu garab istaagaan gudashada Waajibkeena Shaqo. Xuriyada hadalku Waa sharci Dastuuri ah oo uu ogolaanayo Sharciga u dhigan Galmudug iyo kan Faderaalka”. Ayuu yiri Tooxow.

Xarigga wariyayaashaan ayaa loo aaneeyay in Madaxweyne Qoor-Qoor uu ka caroodey qoraallo ay soo dhigeen baraha bulshadda oo maamulkiisa ay ku dhaliileen wax-qabad la'aan.

Qoorqoor ayaa dhawaan weerar toos ah ku qaaday Suxafiyiinta iyo guud ahaan warbaahita tabisa wararka deegaanada Galmudug, isagoo tilmamay inay buun-buunin u sameynayaan Kooxda Al-Shabaab.

Qoorqoor oo sanad uu madaxweyne ahaa aan waxba qaban ayaa hadda u qalab qaatay inuu caburiyo saxaafadda ka howl-gasha Galmudug. Soomaaliya ayaa ku jirta dalalka ay sida joogtada ah uga dhacaan tacadiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.