Wasaaradda Amniga oo dib u furtay Terminal-ka Movecon

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta, ayaa soo saartay amar dib loogu furayo Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

News Keydmedia Online
Wasaaradda Amniga oo dib u furtay Terminal-ka Movecon

MUQDISHO, Soomaaliya – Waraaq ka soo baxday, Xaafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga XJFS Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa Agaasimaha Hay'ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Garoonka Aadan Cadde iyo masuuliyiin kale, lagu wargaliyay in dib loo furo Terminal-ka Movecon ee Garoonka.

Terminal-ka Movecon oo ay adeegsadaan duullimaadyada UN-ka, AMISOM iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee deggan Caasimadda, ayaa albaabada la isugu dhiftay 9 April 2022, kadib amar ka soo baxay, Wasaaradda Amniga, xilligaasoo uu taagnaa, hadal heyn ku aaddan in Xaafiiska Farmaajo dalka ku soo celinayo Francisco Madeira.

Maareeyaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Aaden Cadde, Mareeyaha Hay'adda Duulista Hawad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa dhankooda loo diray ogaysiiska ku addan in laga billaabo maanta [12/4/2022]  dib loo furay, qeybtaan ajaanibtu sida weyn u adeegsato.

“Kadib marki aan txigelinay adeegga muhiim ka ah ee lagu fuliyo terminal MoveCon, kadib marki laga sal gaaray inta badan sababihii loo xiray terminal ka MoveCon, waxaan ku wargelinaynaa dhammaan hay'adaha sare ku xusan in dib loo furay Terminalka”. Ayaa lagu yiri waraaq ka soo baxay Wasaaradda Amniga oo KON, soo gaartay.

Keydmedia Online, ayaa xasuusata in 23 December 2021, albaabada la isugu laabay, Terminal-ka Movecon, kadib amar ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, oo uu baahiyay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Cayduruus Axmed Kaahiye.

Mid ka mid ah qodobbada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, u cuskatay xiritaanka qeybtaan xilligaas, ayaa ahaa in AMISOM, hor istaagtay in Booliska Soomaaliya ka howl-galo qeybta hubina Terminal-ka, hayeeshee, ugu danbeyn waxaa lagu furay, amarka Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur billowgii Jannaayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.