Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in dalka la keenay Tallaalkii caabuqa Covid-19 oo si rasmi ah maanta usoo gaaray caasimadda Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in dalka la keenay Tallaalkii Caabuqa Covid-19 oo qeybo kamida dalalka Afrika la keenay horraantii sanadkan.
Wasiir Fowsiya waxay tiri "Waxaa maanta soo gaaray dalka qeybtii koobaad ee tallaalka COVID-19 kana timid xarunta COVAX, oo ay Gacanweyn ka geysatay Hay'adda GAVI iyadoo dajintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’adaha UN ta"
Wasiiradda waxay sheegtay in ay jiri doonaan qeybo kale oo la filayo in ay soo gaaraan dhawaan, waxayna tiri "Qeybta labaad ayaa imaan doonta Isbuucyada iyo bilaha soo socdo."
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr Fawziya Abiikar Nuur iyo Wakiilka gaarka ee Qaramada Madoobey, Mr James Swan ayaa Goobjoog ka ahaa Munaasabadda loo sameeyay imaanshaha Tallaalka COVID-19 oo ka dhacday garoonka Caalamiga ah ee Aden Cabdulle Airport.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments