Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqaalo xumo la daalaa-dhacaysa

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo dhaqaale-xumo la daalaa-dhacaysay muddooyinkii udambeeyay ayaa waddo shirar ay la yeelaneyso hay'ado caalami ah!

Warar Keydmedia Online
Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqaalo xumo la daalaa-dhacaysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta shir wada qaatay madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, labada mas'uul kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga ee Zoom -ka ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda ay hadda ka fuliyaan gudaha dalka iyo sii xoojinta wada shaqeynta Bangiga Horumarinta Islaamka iyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Dr Mansur Muhtar iyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa iska wareystay sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya oo xilligan la daalaa-dhacaysa dhaqaalo xumo aad ubaahsan.

Wasiir Bayle ayaa horay usheegay in dhaqaalaha dowladda uu gaaray halkii ugu xumeyd, akoonada wasaaradda maaliyaddana ay maran yihiin, isagoo ku dhiirraday in dhaqaale uruurin loo sameeyo ciidamada mar haddii canshuurtii dowladda ay ku filnaan weysay, hay'adihii taakuleyn jiray dowladda iyo saaxiibadii Soomaaliya ay iyaguna goosteen dhaqaalihii la siin jiray dowladda Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ee loo joojiyay dhaqaalihii lagu taakuleyn jiray dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay doorashooyinkii dalka oo dib uga dhacay waqtigii loogu talagalay iyadoo markaa kaddibna ay dowladdu billowday waddado kasta oo ay dhaqaalo ku heli karto, waxaana shirka maanta ay la yeelatay wasaaradda maaliyadda bangiga horumarinta Islaamka uu qeyb ka yahay dadaalo dhaqaale loogu raadinayo wasaaradda maaliyadda oo qiratay in aan akoonkeeda lacag ku jirin!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.