DF oo maanta qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe

Taliska Booliska ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka goobaha Imtixaanka lagu galayo, loona diyaariyay in ka badan 2,000 oo askari.

Warar Keydmedia Online
DF oo maanta qaadeysa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe ee ku kala sugan gobolada qaar ee dalka iyo Muqdisho, ayaa saaka u fariistay Imitixaanka Shahaadiga ah.

Imtixaanka Dugsiga Dhexe ayaa ah markii ugu horeysay oo Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda Soomaaliya qaadayso tan iyo bur-burkii dalka 1991.

In ka badan afartan kun oo arday ayaa saaka u fariistay Imtixaanka, kaasoo la qorsheynayay in la qaado 9-kii Bishii May, balse dib uu dhac ku yimid sababo la xiriiro Covid-19.

Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, iyo gobolka Banaadir ayuu ka dhacayaa Imtixaanka, waxaana ka qeyb geleynin Puntland oo xiisaad siyaasadeed kala dhaxeysa DF.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.