Wasiir ilaaladiisa oo Mas’uul katirsan DF ku dishay Muqdisho

Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleyman Maxamed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in Askar Dowladeeda si micna darro ah u toogto qof wadada iska maraya.

Warar Keydmedia Online
Wasiir ilaaladiisa oo Mas’uul katirsan DF ku dishay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Askari ilaalo u ah Wasiirka Cadaaladra Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa xalay Muqdisho ku dilay qof u shaqeynayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxamed Cabiqaadir, ayaa la sheegay in gaari uu watay uu Askari kamida ilaaaladda Wasiirka uu rasaas ku furay xili uu marayay Wadada Makka Al-Mukaramma.

Askariga ayaa isku dayay inuu Goobta ka baxsado dilka kadib, balse uma suurtagalin oo waxaa qabtay Ciidan militeri oo jidka marayay.

Xeer Ilaaliyaha DF Suleyman Maxamed ayaa fal argagax leh ku tilmaamay dilka, isagoo xusay in qofkii ka dambeeyay cadaaladda la horkeeni doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.