Wasiir ka badbaadey weerar ka dhacay Muqdisho

Fahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii xalay ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka badbaadey weerar ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Saciid Xuseen Ciid, oo ah Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka badbaadey Qarax Miino oo Xalay lagula eegtay Gaari uu watey Isgoyska Ceel-Gaabta oo ku dhaw Villa Somalia.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka, iyadoo qoraal ay soo saartey ku sheegtay in burbur xooggan uu soo gaarey baabuurka uu saarnaa Wasiirka Beeraha, balse aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey.

Qaraxa ayaa ahaa mid culus oo laga maqlay qeybo badan, oo kamid ah Caasimadda, waxaana wadada uu ka dhacay aad u isticmaala Mas'uuliyiinta dowladda ugu sareysa, ee degan Madaxtooyadda.

Al-Shabaab ayaa qaraxyo joogto ah ka fulisa Muqdisho, iyadoo beegsata Gaadiidka Saraakiisha amniga iyo kuwa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.