Wasiir ka socda Zambia oo Hargeysa soo gaaray

Wafdi uu hoggaaminayo wasiir ka tirsan Dowladda Zambia ayaa soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka socda Zambia oo Hargeysa soo gaaray

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Cadaaladda dowladda Zambia Gavin Lubinda iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa soo dhaweeyay wafdiga waxaana loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Maamulka iskiis madax bannaanida ugu dhawaaqay ee Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyay waxay wadeen heshiisyo hoose oo iskaashi kuwaasoo lala galayo dalalka kale ee caalamka gaar ahaan qaaradda Afrika, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa soo gaarayey wafuud kala duwan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.