Wasiir ka tirsan Puntland oo khudbaddiisa doood ka dhalatay

Wasiirka Caddaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sh.Xaamud oo hadal ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa hadal jeedintiisa waxaa ka dhashay dood xoog leh

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka tirsan Puntland oo khudbaddiisa doood ka dhalatay

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar kamida mas'uuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horreeyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa ka fal celiyay hadalkii uu jeediyay wasiirka Caddaaladda Maamulka Puntland Cawil Sh.Xaamud.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku sheegay in maamulka Puntland uusan lamid ahayn kan Galmudug, KGS iyo Hirshabeelle oo ay ka liitaan, waxa uuna yiri Wasiirka "Iyadoo aan cidna la ammaaneyn haddii uusan Madaxweyne Saciid Deni MAYA yiraahdeen Nabad iyo Nolol, maanta waxaynu lamid noqon lahayn Hirshabeelle, Galmudug iyo KGS, dowlado daciif ah, meel ay maamulaana aysan jirin, dadkoodii lakala kaxaystay, ninkii la doono meeshii la rabo loo dhiibto, ninkii la doono la ceyriyo ayaynu ahaan lahayn! waana xaqiiqda jirta".

Hadal-jeedinta wasiirkaasi waxaa ka carooday durbaba oo si kulul ugu jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo kamida golaha Wasiirada Galmudug, waxa uuna yiri "Shakhsiyan isma naqaan wasiirkan, laakin haddii sida lagu sheegay uu yahay wasiirka Cadaaladda PUNTLAND, hadalkiisu uma muuqdo mid mas’uuliyadeed ama mid wasiir cadaaladeed, waa nin kaligiis gartamay, ayna ka muuqato xog-ogaalnimo yari iyo wax xeerin la’aan

Axmed Fiqi oo qoraalkiisa laga dhadhansan karo caro ayaa wasiirka ku tilmaamay qof deg-degay, isagoo sii raaciyay in rajo laga qabo shirka Xerada Xalane ka socda waxa uuna sii raaciyay "Wasiirka waxaad moodaa inuu degdegey, shirkii masiirka siyaasadda dalka looga hadlayana weli rajo in uu guulaysto ah ayaa la qabaa, hawshaasna waxaa wada hogaanka Galmudug oo amaan iyo bogaadin mudan."

Wasiirka oo u muuqda inuu gar naqsanaayo ayaa soo jeediyay in raalli gelin laga siiyo saddexda maamul ee uu ufagay Wasiirka, waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Soomaaliya iyo marxaladda dalku marayo waqtigan la joogo mas’uuliyad ayaa ka saaran cid kasta oo mas’uuliyad dareensan, hadalka wasiirku ku hadlay waa mid u baahan inuu cudurdaar ka bixiyo gefka uu u geystay maamulada dalka ka jira qaarkood gaar ahaan tilmaanta xun ee uu ka bixiyey."

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.