Wasiirada maaliyadda dalalka Afrika oo shiray

Wasiirada maaliyadda qaar kamida dalalka Afrika ayaa maanta yeeshay shir iyaga u gaara, dowladda Soomaaliya waxaa ku matalayay shirka Wasiir Bayle.

Warar Keydmedia Online
Wasiirada maaliyadda dalalka Afrika oo shiray

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Sanadlaha ah ee hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ku qabsoomay hab fogaan arag ah, maadaama lagu guda jiro xilli si aada loola tacaalayo Caabuqa COVID-19 ee adduunka oo dhan saameeyay.

Shirka oo socday maalmahan ayaa waxaa maanta suuro gashay in Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika ay si gaar ah u shiraan, kana hadlaan arrimaha la xiriira maaliyadda iyo horumarrada laga gaaray.

Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo qeyb ka ahaa kulanka ayaa sheegay in  Wasiirada uu la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalladii Dowladda Soomaaliya ee dhaqaalaha dalka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sare ugu qaadidda Dakhliga gudaha.

Sidoo kale wasiir Bayle ayaa sheegay in uu ka warbixiyay qaabka ay Dowladda Soomaaliya uga falcelisay la tacaalidda caabuqa kala xir-xiray adduunka oo dhan ee Covid-19.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.