Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda oo ka hadlay eryida Safiirka Kenya

Wuxuu sheegay in aysan DF eryin Safiirka Kenya, balse ay ugu direen dalkiisa la-tashiyo inuu dowladdiisa lasoo sameeyo, maadaama Soomaaliya ay tabaneyso faragelin.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda oo ka hadlay eryida Safiirka Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka hadlay xiisadda diblomaasiysadeed ee DF kala dhaxaysa Kenya, kadib markii Muqdisho laga soo eryay Safiirka Xukuumadda Nairobi.

Isagoo wareysi siinayay VOA-da ayuu Wasiirka meesha ka saarey in la eryay safiirka Kenya, balse ay u direen dalkiisa si uu wadatashiyo ula soo sameeyo dowladiisa, maadaama dowladda Farmaajo ay tabanayso faragelin.

"Safiirka Kenya lama eryin, iyadoo dowladda Soomaaliya qabta tabashooyinka waxay u yeeratay Safiirka u fadhiya Kenya, waxaana la faray Safiirka Kenya inuu caasimadda dalkiisa ku noqdo, oo wadatashiyo lasoo sameeyo dowladiisa," ayuu yiri Wasiirka.

Maxamed C/risaaq wuxuu xusay in arrimaha ay ka tabanayaan Kenya ay tahay faragelin toos ah oo ku hayso arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, taasoo jebinaysa axdiga lagu aas-aasay 1963 ee ah dalna uusan dal kale ku faragelin arrimihiisa gudaha.

Kenya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay tallaabo ay qaadey DF ee kusoo eriday Safiirkeeda Muqdisho, waxayna shaacisay inay tallaabo ka qaadi doonto maamulka Farmaajo.

Farmaajo ayaa ololihiisa doorasho u adeegsanaya xiisadda uu Soomaaliya iyo Kenya ka dhex abuuray, isagoo doonaya inuu shacabka u sheego inuu yahay wadani ilaalinaya qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, iyadoo la ogyahay inuu saaxiib dhaw la yahay Itoobiya, oo ah cadowga soo jireenka ah ee Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.