Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

Maxamed Cabdirisaaq ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" iyo Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble fursadda ay u siiyeen inuu hoggaamiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warar Keydmedia Online
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa maanta oo Sabti ah, si rasmi ah ugala wareegay xilka Axmed Ciise Cawad, kadib xaflad lagu qabtay dhismaha Wasaaradda.

Munaasanadda waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, danjireyeyaal iyo diblomaasiyiin. Wasiirka cusub oo ah nin aan siyaasadda aqoon u lahayn ayaa laga war sugayaa waxqabadkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.