Wasiirka Arimaha Gudaha: Magaalada Marka Boolis ayaan deg deg ku geyneynaa

Moqadisho (KON) - Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa shaaca ka qaaday in Magaalada Marka ay dhowaan si rasmi ah uga howl bilaabi doonaan Ciidammo ka kala socda Boliiska iyo Nabad Sugidda, ayadoo talaabadaasina ay qeyb ka tahay qorshe ay Wasaaraddu u dejisay sugidda Amaanka Gobolada laga saaray Kooxaha Qaacida-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Wasiirka Arimaha Gudaha: Magaalada Marka Boolis ayaan deg deg ku  geyneynaa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo xalay wareysi siiyey Warriyeyaasha Moqadisho ka haulgala ayaa tilmaamay in magaalada Marka guud ahaanba laga saari doono Ciidammada Xoogga Dalka ee ku sugan,  ayadoo ammaankana ay la wareegi doonaan Ciidammo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda Qaranka, kulammo looga arinsanayo ay Magaalada Marko ka socdaan.

Keydmedia.Net