Weerar bambaano oo ka dhacay Baladweyne

Dad goobjoogayaal ah ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in hal ruux uu ku dhaawacmay weerarkaas lagu qaaday bar koontorool oo Ciidamadu ku leeyihiin xaafadda Buunda-weyn ee Beledweyne.

Warar Keydmedia Online
Weerar bambaano oo ka dhacay Baladweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Weerar bambaano oo khasaaro dhaliyay ayaa caawa lagu qaaday bar-koontool oo Ciidamada Ammaanka ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in hal ruux uu ku dhaawacmay weerarkaas lagu qaaday bar koontorool oo Ciidamadu ku leeyihiin xaafadda Buunda-weyn ee Beledweyne.

Weerarka kaddib ciidamada ayaa furay rasaas farabadan, taas oo la sheegay in aysan geeysan wax khasaaro ah. Ciidamada ayaa howgallo ka bilaabay xaafadda uu weerarku ka dhacay, iyaga oo baadi goobaya raggii ka dambeeyay weerarka bambaano.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee maamulka Hir-shabeelle oo lagu wado in dhawaan ay ka qabsoonto doorashada xildhibaannada aqalka sare ayaa maal-mihii la soo dhaafay ka jirtay amni darro, taas oo aysan jirin ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.