Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay hal askari ku dishay, labo kalena ay ku dhaawacday weerarka, oo ahaa mid gaadmo ah oo lala eegtay barta-koontarool ee Boolikska DF ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa ka dhacay xalay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa weerar Kooxda Al-Shabaab ay ku qaadey goob ay gaadiidka ku baraan Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.
Goobjoogiyaal ayaa sheegay in labada dhinac uu dhexmaray iska horimaad mudo daqiiqado ah socday, iyadoo markii dambe dib uga laabteen goobta Malleeshiyaadkii weerarka soo qaadey, waxaana lagu gaarsiiyay khasaarooyin kala duwan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay hal askari dishay, labo kalena ay dhaawacday, iyadoo aan ka hadlay kahasaaraha dhinaceeda soo gaarey. Weerarka wuxuu qeyb ka yahay dhacdooyin lidi ku ah amni oo maalmahan ka dhacaya Caasimadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments