Weerar Qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Mudug

Isgaarsiinta ayaa ka maqan degaanka Bacaadweyne kadib markii Saakay ay Al-Shabaab la wareegtay, kadib dagaal xooggan oo ay la gashay Ciidamada dowladda.

Warar Keydmedia Online
Weerar Qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Mudug

GAALKACYO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerar isagu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ku qaadey saldhigyo Ciidanka DF qeybta 21aad ku leeyihiin degaanka Bacaadweyne, oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Dadka degaanka qaarkood oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay inuu dhacay dagaal xooggan, oo saacado socday kaasoo khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa u suurta-gashay inay la wareegto gacan ku heynta degaanka, iyadoo sidoo kale ka heshay saldhigyada Ciidanka ka baxeen gaadiid dagaal oo illaa 5 gaaraya iyo hub aad u badan.

Ciidamada laga soo saarey Bacaadweyn ayaa isku aruursanayan banaanka, waxaana laga cabsi qabaa inay duulaan ay ku qaadaan markale si ay Al-Shabaab ugala wareegaan gacan ku heynta tuuladda.

Lama oga waxay ahaayeen Qaraxyada, laakiin dadka degaanka waxay sheegayaan in loo maleynayo baabuur lagu soo xiray walxaha qarxa oo Al-Shabaab ku qarxisay albaabka saldhigayada ay weerartay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.