WHO oo dalka gaarsin doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Covid-19

Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Warar Keydmedia Online
WHO oo dalka gaarsin doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Covid-19

MUQDISHO - Hay'adda caafimaadka aaduunka ee WHO ayaa shaacisay in ay Soomaaliya soo gaarsiin doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca ee cudurka Covid-19. 

Bishaan Febraayo ayaa dalka lasoo gaarsiin doonaa tallaalka cudurka COVID-19, sida ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u sheegtay Idaacadda VOA ee Mareykanka. 

Dr. Mamunur Rahman Malik, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay heli doonto ku dhawaad 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca. 

Ku dhawaad 600.000 oo Soomaali ah ayaa la filayaa in lagu tallaalo, waxeyna WHO sheegtay in ilaa bilaha Maarso iyo Abriil la qorsheynayo in la tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Hay'adda ayaa sheegtay in qeybta koowaad ee tallaalka COVID-19 ee Oxford AstraZeneca lasoo gaarsiin dalka lacag la'aan. Hase yeeshee dawladda federaalka ayaa laga filayaa inay iska bixiso kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya, sida lagu sheegay Wareysiga. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.