Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Wararka ayaa sheegaya in 10 casho ee la soo dhaafay uu aad u sii xoogeysanayay xiriirka u dhaxeeya Xaabasade iyo Abuu-mansuur, waxaana dad ka agdhaw xaabsade ay sheegeen xooga wada hadalkooda inuu ku saabsanyahay sidii qaabka siyaasada wax looga badali lahaa.
Waxaa fashil uu ku yimid kulan labada shaqsi ay ku balameen inuu ka dhaco agagaaraha asluubta, kadib markii amaanka lagu kalsoonaan kari waayay, waxayna wararku sheegayaan in Abuumansuur uu hada ku dhuumaaleysanayo meel deegaanka calamada oo uu ku nool yahay Xasan Daahir.
Sababta kalifeysay in Mansuur uu wada hadal la galo Xaabsade soona damaaciyo dowlada ayaa lagu sheegay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya isaga iyo Godane kaasoo sababay in ay labadooda is beegsadaan isla markaana ugaarsiga uu kordho.
Add comment
Comments