Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa sii kordhaya tirada dhimashada iyo dhaawaca Qaraxii bambada oo ka dhacay Xaafada Section One ee lala beegsaday baabuur Nooca Buska.
Saraakiisha Ciidamda Kenya ayaa Xaqiijiyeen in tirada dhimashada ey gaartay 7 ruux halka dhaawaca gaaraya 34 ruux.
Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in Xaaladooda ey adagtay oo dhaawacyadu qaarkod ey culus yihiin.
Dhanka kale Rabshado xoog leh oo sababay in tiro dad ah ay dhaawacmaan ayaa dhexmaray Soomaalida Islii iyo dad Kenyan ah oo ka careysan qaraxa oo weeraray Soomaalida.
Dhagaxtuurkaas ayaa sababay in dhowr Qof ey ku dhaawacmaan.
Somalida ku dhaqan islii ayaa wali saaka dareemaya cabsi xoogan iyagoo hanjabaad kala kulamaya shacabka kenyanka ee dalkaasi u dhashay.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments